Putland Oo Dagniino Culus Kasoo Saartay Roobab Dabeyla Wata Oo Kusoo Wajan Deegaanadeeda

0

Farriin digniin ah oo ka soo baxday wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka cimilada dawlad goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay todobaadkan la saadaalinayo roobab mahiigaan ah oo ka da’aya gobollada Bari iyo Sanaag, islamarkaana ay ka dhalan karaan daadad lixaad leh oo qasaare nafeed iyo mid hantiyeedba gaysan kara.

Wasaaraddu waxay si gaar ah ugu digtay dadka dagan dhulka biya mareenka ah, togagga iyo meelaha hooseeya inay taxadar gaar ah sameeyaan, kana fogaadaan meelaha u nugul halista imaan karta, si ay naftooda iyo hantidooda u badbaadiyaan.

Gudoomiyaha degmada bandarbeyla ee gobolka bari oo lahadlay idacadani simba ee muqdisho ayaa sheegay in cabsi xoogan ay ka qabaan saameynta robabka dabeylaha wata ee la saadalinayo in ay kusoo wayahanyihiin gobolka bari

Waxaana uu Gudoomiyuhu sheegay in horay robab dabeyla ay saameyn ay ugu yeesheen maadaama ay joogan dhulka xeebaha

Farriinta digniinta ah ayaa lagu sheegay in aan la sahashan saadaasha dhiillada leh, sidaas darteedna digniinta la gaarsiiyo bulshada gobolladaasi oo dhan, si ay diyaar garow uga sameeyaan xaaladaha la filan karo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here