Dowladda Oo Shaacisay In Horjoogayaal Al-Shabaab Ah Ay Dileen

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Bay waxaa la sheegay in  ay ku dileen een horjooge sare oo ka tirsanaa Dagaalamayaasha Alshabaab,kaasi oo u qaabilsanaa dhibaataynta shacabka ku dhaqan magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale ee gobolkaasi. Sida ay qortay warbaahinta dowlada

 

Howlgalka oo ka dhacay meel khayaas ahaantii 45 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ayaa lagu dilay horjooge Ibraahim Macalin Cabdi,kaasi oo magaciisa is afgarashada Alshabaab lagu sheegay(Ibraahim Geney).

 

Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay 2 qori nuuca AK47 ah iyo Baaskoolada leh 8 qasnadood,sida lagu qoray war qoral ah oo kasoo baxay dowlada

 

Dhanka kale howlgal qorshaysnaa oo ay ciidanka kumaandooska Danab ay ka sameeyeen degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose oo dowladu sheegtay in ay ku dileen horjoogihii Al-shabaab ee degmadasi

 

Ciidamada dowlada ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlgalada ay ka sameynyaan deegaano iyo degmooyin dhaca gobolka bay iyo gobolada jubboyinka

Waxaana saraaakisha ciidamada dowladu ay sheegeen in ay wadaan howlgalo ka dhan ah alshabab islamarkaasna ay sii wadi doonan

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here