Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ee DANAB ayaa waxaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degaano ka irsan Gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha Ciidanka DANAB ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka laga fuliyay degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, isla markaana lagu dilay Saraakiil ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Gaashaanle Ismaaciil oo ka tirsan Danab ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo Afar kale, kaas oo Magaciisa lagu sheegay Aadan Yuusuf Sheekh Maxamuud (Abuu Salmaan).
Ciidamada komaandooska danab ayaa wada howlgalo ay ku la wareeegayaan deegaano iyo degmooyin hoosyimaada gobalada jubooyinka waxaana howlgalkii ugu danbeewyay ay kula wareegeen dee janaa cabdale oo 55 km ujirta magaalada kismaayo eee xarunta kumeelgaarka ah ee jubbada hoose..
Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidanka koomaandooska DANAB oo ay wehlinayeen kuwa Mareykan ah waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka, hayeeshee howlgalkii ugu dambeeyay aysan weli ka hadlin dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Howlgaladan ayaa imaanaya xili dhawaaan madaxwaynaha dowlad gobaleedka jubbaland axmed madoobe uu shaaciyay in ay sameen doonaan holgalo ka dhan ah dagaalamayaasha al shabaaab oo laisugu furayo magaaalooyinka kismaayo iyo afmadaw.

