Ciidamada nabad sugida iyo sidoonka dowlad goboledka jubaland ayaa waxa la sheegay in howlgalo balaaran oo ay ka sameyn degaano iyo xaafado ka tirsan magaalada kismayo ay kuso qabteen Bambooyin iyo waxyaaba kale oo qarxa
Maamulka jubbaland ayaa sheegay in ciidamada dowlad goboledka jubalnd ay soo wargaliyeen dadka deegaanka islamarkaasna ay xaafada farjano ee magaalada kismayo ay kasoo qabteen waxyaabaha qarxa oo ay sheegeen in meel bacaad ah ay ku diyaariyeen dagaalamayaasha al shabaab sida lagu sheegay war qoral ah oo ka soo baxay maamulka jubaland
Sariikiisha laamaha Amniga ee dowlad goboledka jubbaland ayaa shacabka ku dhaqan degaanada jubbaland uga mahad celiyay sida ay uga shaqeynayaan sugida amaanka iyo la shaqeyntooda ciidanka dowlad goboleedka jubbaland ay sheegeen in mar walba ay u taagan yihiin xasilinta iyo sugida amaanka
Maamulka jubbaland iyo dagaalamayaasha al shabaab ayaa muddoyinkii dambe ku dagaalamayay deegaano hoosyimaada magaalada kismayo ee gobolka jubbda hoose hakaasi oo la sheego in fariisimaha ciidamada dowlada iyo kuwa jubbaland ay inta badan weerar ay kusoo qadaan xubno ka tirsan dagaalamasha al shabaab
Waxaana ciidamada dowlad gobeedka jubbaland la sheegay in ay kordhiyeen howlgalada ay ka fulinayaan degaano dhaca gobolada jubboyinka.

