Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay kiiska gabar lagu dilay degmada Waabari ee gobolka Banaadir.
11/Sep/2020, abaare 14:00pm duhurnimo ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Waaberi, waxaa Soo gaaray warbixin ku saabsan meedka gabar la dilay, gudaha Degmadaas gaar ahaan guri dabaq ah oo ku yaala Waaxda #Maajo in laga Soo tuuray Marxumad Xamdi Maxamed Faarax ina Hooyo Nadar Caraale Culusow, 19 jir ah ku dhalatay Ceelbur dagan Degmada Deyniile, Marxuumada ayaa ka mid aheyd dhalinyaradii dhawaan gashay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Sarre ee sanadkaan kuna baastay.
Meesha uu Kiisku marayo.
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ka duulayo warbixintaas ayaa goobta tagay. Isla markaasna marsiiyay nadaamka lagu maamulo goob danbi ka dhacay, waxaan biloownay baarista, aruurinta cadeymaha iyo gacan ku dhigista eedeysanayaasha oo aan gacanta ku hayno ilaa 4 Eedeysane, waxaa socota baaris qoto-dheer, waxaana si dhaw Ummadda ula wadaagidoonaa natiijada Baarista oo dhameystiran”,ayaa lagu yiri War qoraal ah oo uu soo saaray taliska ciidanka booliska.

