Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamo ka tirsan kuwa 14-October ee Dowladda Soomaaliya ay dooni la dagtay.
Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya, askarta ayaa ka baxday magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,waxayna ku wahnaayeen Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeelaha.
Saraakiisha waxa ay sheegeen in askarta uu Hogaaminayay Taliyaha ururka Ciidanka 14 Oktoobar,islamarkaana ilaa haatan la raadinaayo meeshii ay ku dambeeyeen.
Dhanka kale saraakisha waxa ay sheegeen in la badbaadiyay qaar kamid ah askarta la socotay doonidda.
Magacyadda qaar kamid ah askarta doonida la dagtay ee la badbaadiyay ayaa lagu kala sheegay Laba Xidigle Cismaan Muuse halka la la’yahay 12 askari.

