Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Nin Odey ahaa oo xalay lagu dilay Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in ninka la dilay uu kamid ahaa Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
“Xoogag hubeysan ayaa bartama degmada Afgooye ku dilay sarkaal katirsanaa ciidanka sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya, sarkaalka la dilay ayaa caan ka ahaa Afgooye iyo hareeraheeda”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al-shabaab.
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Ibraahim Max’med Ibraahim oo ku magac dheeraa (Ibraahim Lawane).
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ibraahim uu kamid ahaa Ergooyinkii doorashadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

