Al-shaabab oo Shaaciyay Qaabka Loo Fuliyay Dilka Gudoomiye Max’med Sugaal Cismaan.

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar xalay Lagu Dilay guddoomiye ku-xigeenkii dhanka amniga gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka Hirshabelle Ala ha u Naxariistee Max’med Sugaal Cismaan.

Sida ay baahisay warbaahinta Shabaab, dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar qorshaysnaa ku qaaday Hoyga Gudoomiyaha,waxayna ku weerareen dhowr Bambaano.

‘Shabaab ayaa weerar qorshaysan ku dilay Muxumad Sugaal oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii dhanka Ammaanka Shabeelaha dhexe ee Hir-shabeelle” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakadda  Al Shabaab.

Shaabab waxa ay sheegeen in ragii weerarka fuliyay ay goobta ka baxsadeen,islamarkaana lasii wadi doono beegsiga lagu hayo Xubnaha Hir-shabeelle ka Tirsan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here