Kooxo Hubeysnaa ayaa xalay Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land waxa ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Laamaha amaanka maamulka Jubbaland,sanado ka horna kasoo goostay Al-shabaab.
Dilkaan ayaa ka dhacay Gudaha Magaaladda Kismaayo, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan magaaladdaas.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cumar Daqal oo ku magac dheeraa (Taqiyudiin) wuxuuna la shaqeynayay sirdoonnada caalamiga ah wuxuuna xubin firfircoon ka ahaa wasaaradda amniga maamulka Jubbaland.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Cumar Daqal sida ay baahisay idaacadda idaacadda.
Sarkaalka xalay lagu dilay Kismaayo ayaa sanado ka hor ka goostay Al Shabaab wuxuuna wada shaqeyn dhow lalahaa sirdoonnada Mareykanka iyo kuwa Kenya.

