Wararka ka imaanaya Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in ciidamadda amaanka Magaaladaas ay toogasho ku dileen ruux hubeysnaa oo doonayay in uu xoog ku galo saldhiga Magaaladaas.
Falkaan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe, Ciidamadda Ilaalada saldhiga ayaa joojiyay qofka hubeysnaa oo Isku dayay in uu guddaha u galo saldhiga iyadoo Ciidamadda joogay Ilinka hore ee saldhiga ay ku amreen in uu Joogsado qofkaasi, walow rasaas uu ku furay Ciidanka ay sababtay in Ciidamadu toogtaan qofka hubeysnaa.
Dhanka kale Taliska Booliska Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay rasaasta uu furey ninka la toogtay aysan geysanin wax khasaare ah.

