Wafdi Kenya Ka Socda oo Gaaray Kismaayo,Go’aankii DFS oo La Jabiyay+Sawirro

0

Magaaladda Kismaayo waxaa goordhaweyd gaaray wafdi ka socda Dowladda Kenya.

Wafdigaan waxaa hogaaminaya Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale waxaana kamid ah Xildhibaanadda laga soo doortay Gobolka Waqooyi Bari.

Diyaarad yar oo nooca Focker ah ayaa Wafdigaan kasoo qaaday Garoonka Diyaaradaha Nairobi,waxaana garoonka Diyaaradaha Magaaladda Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo Xubno kale.

Wafdigaan ka socda Kenya ayaa jabiyay amar ku socda Shirkadaha Duulimaayadda ku taga magaaladda Kismaayo oo xalay ay soo saartay Dowladda Soomaaliya.

Maamulka Duulista Hawada ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, war ay soo saareen ayaa lagu sheegay in la mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya ee ku socda Magaaladda Kismaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here