Pro Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Jiritaanka Qaranimada dalka ku sababeeyay in marka hore Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya la Xasiliyo.
Waxa uu sheegay in Magaaladda Muqdisho ay tahay muraayadii dalka,islamarkaana loo baahan yahay in marka hore iyada la xasiliyo kadibna jaritaanka qaranimadda dalka la helayo.
Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa ku baaqay in lala shaqeeyo Gudoomiye Cumar Maxamed Maxamuud (Filish), si uu ugu guuleysto howlaha loo igmaday.