Xildhibaan Cabdiraxman Ibi oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in laga qeyb qaato Dhismaha Caasimadda iyo ka shaqeynta Amniga.
Xildhibaanka oo ka hadlayay kulan lagu Taageeray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Filish), ayaa sheegay in Muhiim ay tahay in laga shaqeeyo amniga Caasimadda, si ay u quruxsanaato Magaaladda.
Sidoo kale Xildhibaan C/raxmaan ibi ayaa sheegay in aan la aqbali Karin in Labada Degmo ee Xamar Weyne iyo Shangaani ay ka dambeeyaan Degmooyinkii kale.
Degmadda Xamar Weyne ayuu sheegay in Nadaafadeeda ay xiligaan liidato,halka Degmadda Shangaani uu Geel dagay, uuna kasoo tooso Subixii.