Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee Qaramadda Midoobay ee ICAO.
Qoraal ay soo saartay wasaaradda gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Sooomaaliya ayaa lagu sheegay in qoraal loo direy Hay’adda ICAO kaasi uu ku aadanaa in Kenya ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawada.
Diyaarada ka degtay shalay magaalada Kismaayo oo nooceedu ahaa F/50 ayaa la sheegay in shatiga ay isticmaashay laheyd shirkadda Jubba Airweys iyadoo uu lahaa diyaarad ganacsade Soomaaliyeed.
Diyaaradda ka dagtay Magaaladda Kismaayo waxaa la socday Madaxweynayaashii hore ee maamuladda galmudug,Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Xildhibaano mucaaradsan Dowladda Dhexe,waxayna kasoo baxeyn magaaladda Nairobi.