Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Ethopia iyo kuwa Shabaab oo ka dhacay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Al-shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray Saldhiga Ciidamadda Ethopia ee Halgan,waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka Deegaanka ayaa idaacadda Simba u sheegay in dagaalka uu ahaa mid xoogan islamarkaana ay jirto khasaara kala duwan oo kala gaaray ciidamadda Ethopia iyo kuwa Al-shabaab.
Shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay weeraradda ay ku qaadaan saldhigyadda ciidamadda Amisom ee ku yaala Gobolka Hiiraan.
Halgan ayaa sanado ka hor waxaa Shabaab loogu dilay dhowr askari oo ciidankooda ka tirsanaa kadib markii ay weerar xoogan ay ku qaadeen.