Ana Sayfa Wararka DFS oo Diiday In Dib Loo Dhigo Dhageysiga Dacwadda Badda

DFS oo Diiday In Dib Loo Dhigo Dhageysiga Dacwadda Badda

0
DFS oo Diiday In Dib Loo Dhigo Dhageysiga Dacwadda Badda

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee horyaala maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Mahdi Maxamed Guuleed khadar oo la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si cad u diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga ugu danbeeya ee la wada sugayo ee Maxkamada ka dib markii dowladda kenya ay dalbatay in dib loogu dhigo mudo 12-bilood ah.

”Kenya waxay dooneysaa in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo taasna iyada ayay jirtaa, anagu go’aankaynu waxa uu yahay inaanan aqbalayn wax ka badan 4ta November,kiiska maxkamada ayuu ku jiraa iyagaana ka war sugeynaa ” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Dowladda Kenya ayaa Somalia ku cadaadineysa in wadahal lagu dhameeyo kiiska badda ee udhaxeeya wadamada Somalia iyo Kenya waxaana arintaasi gaashaanka udaruuray dowlada federaalka Somalia iyadoona madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Somalia Mohamed abdullahi farmaajo uu shirka golaha amaanka ee qaramada midoobay ka sheegay in dowlada Somalia ay ka warsugi doonto go,aanka maxkamada cadaaladda aduunka ee ICJ.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here