Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab Lagula eegtay Duleedka Magaaladda Muqdisho.
Qaraxyadda oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanka Ceelsha Biyaha iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Goob-joogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxyadda ay haleeleen mid kamid ah gaadiidka ciidamadda Danab,islamarkana uu khasaare uu jiro.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Dana oo loogu hadlaayo qaraxyadda ka dhacay Duleedka Magaaladda Muqdisho.