Al-shabaab ayaa soo bandhigay mar kale qaar kamid ah Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanadda Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Ergooyinka cusub ayaa lagu soo bandhigay Deegaanka Buullo fulaay oo ka tirsan ee Goboladda Bay iyo Bakool.
Ergadaan oo ah Todobaatan iyo Lix ruux waxaa ku jira qaar ka mid ah dadkii doortay xildhibaan Maxamed Cismaan Jawaari, oo horay u ahaa gudoomiyaha Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya.
Munaasabad si heer sareysa loo soo agaasimay ayaa ergadaan loogu qabtay Deegaanka, waxaana dadkii halkaa ka hadlay ka mid ahaa Gudoomiyaha Al-shabaab Baay iyo Bakool, Sheekh Cabdulaahi Macalin Geeddow, Sheekh Cali Katiin iyo xubno kale.




