Wararka ka imaanaya Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Bambo Gacmeed Lagu Tuuray Dhalinyaro Turub ku ciyaayay Gudaha magaaladaas.
Qof kamid ah dadka Magaaladda oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in dhalinyaradda oo xiligaas Turub ciyaaraysay Bamka lagu tuuray,islamarkana khasaare uu ka dhashay.
Inta la xaqiijiyay 6-kamid ah dhalinyaradda ayaa dhaawacyo ay soo gaaren,waxaana la dhigay isbitaalka Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ilaa haatan lama oga cida ka dambeysay weerarkaan,waxaana goobta uu falka ka dhacay gaaray Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.