Kooxo hubeysnaa ayaa saakay Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho ku dilay Haweeney Shaah iibin jirtay.
Dilkaan ayaa ka dhacay Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha gaar ahaan meel ku dhow Hoteelka Shaam.
Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Xadiyo,waxayna sanado gadi jirtay Shaaha.
Ragg hubeysnaa ayaa la sheegay in ay dileen islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.
Lama oga sababta ka dambeysa Dilkaan.