Ana Sayfa Wararka Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in La Dilay 30- Al-Shabaab ahaa

Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in La Dilay 30- Al-Shabaab ahaa

0
Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in La Dilay 30- Al-Shabaab ahaa

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sheegtay in howlgal qorshaysnaa lagu dilay 30-dagaalyahan oo ka Tirsanaa Xarakadda Al-shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanada Ceel Saliini iyo Gedershe ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka.

Howlgalka ayaa waxaa fuliyey Ciidanka Xoogga dalka kuwaas oo weerar ku qaaday xarun Al Shabaab ku sugnaayeen.

Tani ayaa qeyb ka ah Howlgalada Ciidanka Xoogga dalka Al Shabaab uga saarayaan Deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhawaan Al-shabaab waxa ay weerar ku qaadeen Deegaanka Cali Saliini ee Duleedka Magaaladda Marka,waxayna sheegeen in ay dileen 23-askari oo Dowladda ka Tirsanaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here

Bu site istenmeyenleri azaltmak için Akismet kullanır. Yorum verilerinizin nasıl işlendiğini öğrenin.