Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab oo ka dhacay Deegaanka Cabdalla Biroole ee Duleedka Magaaladda Kismaayo.
Sida ay sheegeen dad ku sugan deegaanka Cabdalla Biroole dagaal culus ayaa labada dhinac ku dhaxmaray meel ka baxsan deegaanka, daryanka rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa laga maqlayay dhulka howdka ah ee dagaalladu ka dhacayeen.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in dagaalka lagu dilay 3-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Maamulka Jubbaland,islamarkaana dagaalka lagu furtay qori PKM ah iyo dhowr qori AK47 ah.