Wararka ka imaanaya Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya In Nin Toorey ku hubeysnaa uu dilay Haweeney kamid aheyd Ganacsatadda Qaadka.
Falkaan ayaa ka dhacay Gudaha Magaaladda Beledweyne.
Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Ala Ha u Naxariistee Xaliimo Ilyaas,waxaana dilkeeda ka dambeeyay nin qaad usoo doontay.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, ninka tooreyda ku hubeysnaa ayaa markii hore haweeneyda ka dalbaday in qaad deyn ku siiso balse ay ka diiday, ugu dambeyntii uu tooreyay haweeneyda oo ku geeriyootay isbitaalka.
Dhanka kale Ciidamaddda amaanka Magaaladda Beledweyne ayaa baadi-goobayo ninkii dilka ka dambeeyay.

