Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa warqadihii aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Washington Cali Shariif Axmed.
Amb Cali Shariif Axmed ayaa lagu qaabilay Aqalka cad ee Mareykanka,wuxuuna halkaas kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka.
Danjire Cali Shariif ayaa noqonaya Safiirkii 3-aad ee Soomaaliya u magacawda Mareykanka, tan iyo sanadkii 2014.
Danjire Cali Shariif ayaa horey u soo noqday safiirka Soomaaliya ee Ethiopia iyo France.

