Guddiga Madax banaan ee Doorashooyinka ayaa shir muddo 4 maalin ah soconaya oga furmay magaalada Mogadishu, shirkaan oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan hawl wadeennada Guddiga ayaa diiradda lagu saaray waxa u qabsoomay Guddiga mudadii uu jiray.
Gudoomiuaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliima Ismaaciil oo shirka furtay ayaa ku dheeratay ka shekeynta waxqabadkii Guddiga iyo caqabadaha soo wajahay mudada uu jiray, iyadoo tilmaamtay in Guddiga shaqa wanaagsan uu ka qabtay fulinta qorshayaashii u daganaa halka caqabada la xariira arimaha siyaasadda ay wax badan uu suuragali waayeen.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka shakaysay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta hawl wadeennada Guddiga taas oo dhiirragalisay in ay waxbadan ku qabsoomaan kulana dardaarantay in shaqaalaha ay sii laba jibaaran dadaalka ay ugu shaqeynayaan wadankooda madaama waajib saaran ay tahay.
Ugu danbayn Gudoomiye Xaliima ayaa raja badan ka muujisay in istaraatiijiyadda 2021-2025 uu guddiga waxbadan soo kordhin doono siina laba jibaari doonaan shaqooyinka guddiga si wadanka ay oga dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

