wararka aan ka helayno goboladda jubbooyinka ayaa waxa ay sheegayaan in duqeymo culus ay diyaardo nuuca qumaatiga ukaco ah aya ka fuliyeen deegaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolada jubbada hoose iyo jubbada dhexe
duqeyn mahaan ayaa waxa la sheegay in ay fuliyeen tiyaaradaha ciidamada mareykanka ee qaarada afrika waxaana ay sheegeen in duqeymahaasi ay la beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab
taliska ciidamada mareykanka ee africom ayaa war kasoo saaray duqeymaha sacadii lasoo dhaafay ka dhacay gobolada jubbooyinka deegaano ka tirsan
waxaana la sheegay in ciidamada mareykanka oo garab ka helaya kuwa dowladda somaliya ay duqeymo ka fuliyeen degmada jilib ee gobolka jubbada dhexe
duqeytaasi waxa la sheegay in lala beegsaday xarumo markasyo ah oo ay ku sunayeen xubno ajaaniib ah oo ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab
ilaa iyo sadax xarumood ayaa wararku sheegayaan in duqeynta ka dhacday jilib lagu beegsaday islamarkaasna waxa la sheegay in lagu dilay madaxa ajaaniibta al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay thaabit iyo saraakiil kale oo la socotay
dhankale war kasoo taliska ciidanka mareykanka ayaa waxa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca helecopterka ay duqeymo kale ka fuliyeen degmada jamaame ee gobolka jubbada hoose
qiimeyn lasameeyay ayaa waxa sheegay in lagu ogaaday in duqeyntaasi ay ka dhasheen qasaare kala duwan iyadoona ay africom sheegtay weerarkaasi duqeynta lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan al-shabaab oo weerar qorsheynayay
warar hoose ayaana tilmamaya in xubnaha al-shabaab ee jamame lagu duqeyay ay qorsheynayeen in ay weerar xoogan ku qaadaan deegaanka barsanguuni ee isl gobolka jubbada hoose
taliska ciidamada mareykanka ayaa waxa ay sheegeen in duqeynta ka dhacday degmada jamaame ay ku baabi,iyeen gawaari nuuca dagaalka ah oo ay lahaayeen dagaalamayaasha al-shabaab.
ciidamada mareykanka ayaa maalmihii dambe kordhiyay weerarada duqeymaha ah ee ay ka fulinayaan gudaha soomaaliya iyadoo todobaadkaan gudihiisa dhowr duqeyn la beegsaday xarumo ay sheegeen in ay kusugnaayeen xubno ka tirsan al-shabaab

