Rag hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraray oo burburiyey buundada isgaarsiinta ee degaanka Sarman, Gobolka Mandheera.
Tani waa dhacdadii ugu dambeysay ee noocan oo kale ah ee ka dhacda Deegaanka.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay jireen ilaa 50 nin oo joogay aagga ka hor iyo kadib weerarka.
Guddoomiyaha gobolka Ali Roba ayaa sheegay in dhacdadan ay ka dhacday in ka badan 200 oo kilomitir meel u jirta xadka Soomaaliya.
“In kasta oo maareeyayaasheena amniga ay fududeeyeen xaaladda nabadgelyada ee ka sii daraysa ee Mandheera ayaa waxaa degaanka Sarman, Gobolka Mandheera isgaarsiinteeda xalay burburiyey tuhmanayaasha Alshabab ee ku sugan Sarman,” ayuu Roba ku yiri bartiisa Twitter-ka.
Wuxuu umuuqday inuu kajawaabayo diidmada dowlada ee ah in Dagaalyahano ay la wareegeen inta badan jidadka deegaanka.
Saraakiisha ayaa sheegay in dhacdadii habeenimadii Talaadada ay ahayd tii 12aad illaa iyo sannadkan ka dhacda magaalada Mandheera taas oo ay ku dhinteen in ka badan saddex qof, saddex la afduubay hanti badana lagu burburiyey.
Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliya gudaha dalka Kenya,waxayna burburiyeen saldhigyo iyo xarumo isgaarsiineed oo ku yaala gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

