Xukuumadda federaalka soomaaliya ayaa si adag u beenisay warar been abuur ah oo laga fidiyey ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga waddanka eritrea.
wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumada faderaalka somaliya cismaan abuurkar dubbe ayaa waxa uu beeniyay in dhalinyaro ka tirsan ciidamada soomaaliya ee tababarka loogu qaaday dalka eritria ay ka qeyb qaateen dagaalka ka soconaya koonfur dalka ethiobia
wasiir dube ayaa waxa uu sikulul uga hadlay warar baraha bulshada laisla dhexmarayay oo sheegaya in dhalinyaro soomaaliyeed lagu layay dagaalka udhexeya maamulka tigreega iyo dowladda faderaalka thiobia
waxaana uu sheegay in dhalinyarada soomaaliyeed ee tabarka loo qaaday ay bad qabaan islamrkaasna ay haatan ku jiraan tababar meelgabgaba ah umaraya isagoo sheegay in dalka ay dib ugu labanayaan dhalinyaradaasi soomaaliyeed ee ka mide noqday ciidanka xooga dalka soomaaliyeed
wasiirka ayaa dhankale salaan iyo bogaadin hawada u mariyay ciidamada xooga dalka ee ku sugan dalka eritrea kuwaasi oo halkaasi ku qaadanaya tababar
hadalka kasoo baxay wasiirka warfaafinta ayaa waxa uu kusoo aadaya xili saacdiihii aan soodhaafnayay ay soo baxaya warar sheegaya in dagaalka ka socda ethiobia lagu dilay dhalinyaro soomaaliyeed oo tababar qarsoodi ah loogu qaaday dalka eritea
wararkaan ayaa si aad ah lagu hadal hayay baraha bulshada waxaana jirtay in hooyooyin soomaali oo dhalay banan baxyo xoogan ay dowladda ka dalbadeen ay ka jawaabto in wiilashoodii tababrka loo qaaday lagu laayay dalka thiobiya

