Maamulka puntland ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in hada ay qaadayaan tilaabooyin adag lagu socodsiinayo lacagta shilinka soomaaliga
gudoomiyaha degmada gorowe caasimada mamaulka puntland ayaa si kulul uga hadlay diimada lacagta shilin soomaaliga waxaana uu sheegay in ay qaadayaan fulita amaro kasoo baxay madaxweynaha maamulka puntland saciid puntland
Gudoomiyaha Axmed Saciid Muuse oo ah duqa magaalada gorowe ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay tilaabo ka qadaan dadka diidaya la cagta shilinka soomaaliga
Axmed Saciid Muuse ayaa soo hadal qaaday in dadka shacab ah iyo ganacsatada ahba ay lacagta canshuurta ah uga qaadaan shilin soomaali islamrkaasna aysan aqbali doonin in la diido lacagta shilin soomaaliga
madaxweynaha maamulka puntland ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in lasoo qabqabto dad ka diidaya lacagta shilin soomaaliyga islamrkaasna dacaayada ka fidinaya mamaulka puntland
dadka danyar ee shacab ka ah ayay saameynta ugu weyn ku yeelatay diimada shilin soomaaliga kuwaas oo an mar walba awoodin heli karin lacagta doolar ka ah ama ay isticmaalan
si cir bararka ka dhashay diidmada lacagta shilinka soomaaliga ayaa si looga dareemaya deegaanada mamaulka galmudug

