Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada hirshabele iyo galmudug ayaa waxa lagu soo waramayaa in kulamo aan caadi aheyn oo siyaasadeed ay ka wadaan magaalada caasimada ah ee muqdisho
kulamadaan ayaa waxa la sheegay in looga hadlay arim badan oo ku saabsan xaalada kala guur ka ah ee dalka gaar ahaana arimaha doorashooyinka ee lagu muransanyahay
kulanka madaxweynayaasha galmudug iyo hirshabeele waxa sidookale la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen xubno wasiiro iyo wasiir xigeen iskugu jira Oo la socda madaxweynayaasha maamulada hirshabeele iyo galmudug axmed cabdi kaariye iyo cali guudlaawe
wararka aan ka helayno kulanka madaxweynayasha maamulada galmudug iyo hirshabeele ayaa waxa ay sheegayaan in kulan ay uga wada hadleen arimo ay ka midyihiin sidii laiskaga kaashanlaha sugida amaanka deegaanada ay ka arimiyaan labaa madaxweyne oo muddyinkii dambe ay ka dhacayeen falal amni daro
sidookale waxa la sheegay in wasiirada kulanka ka qeyb galay ay madaxweynayaasha ka codsadeen in ay wax ka raadiyaan matalaada gobolka banadir uu yeelanayo
madaxweynayaasha ayaa waxa kaloo ay kala wada hadleen siidii xaloogu hili lahaa doorashada lagu muransanyahay ee lafilayo in dalka ay ka dhacdo horaanta sanadkaan 2021 iyadoo ay madaxweynayaashu isla garteen in dhex dhexaadin iyo wada hadal loo sameeyo dhinacyada doorashada iskuhaya
madaxda haatan talada dalka heysa iyo murashaxiita u taagan qabashada xilka madaxweynaha soomaaliya ee dorashada dhacysa ayaa ku muransan doorashada
waxaana laisku haya arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin guddiga doorashada arimha gobolka gedo iyo arimo kale oo aan wali xal loo helin iyadoo ay xusid mudantahay in doorashada waqtigeeda uu haatan socdo in ay dib udhacdna laga cabsi qabo

