Ku Dhawaad 60 Gaari Oo Ku Xaniban Inta Udhaxeysa Gobolada Mudug iyo Galgaduud

0

wararka imaanaya deegaano dhaca gobolada mudug iyo galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in gaadiid fara badan oo ay leeyihiin dad shacab ah ay ku xayiranyihiin aaga deegaanka galinsoor ee gobolka galgaduud

waxaana lasoo sheegayaan in gawaaridaan ay u xaniban yihiin lacago badan oo lagu soo rogay islamrkaasna aysan bixin karin sidaasna loo heysto

ciidamo ka tirsan dowladda gaar ahaana kuwa daraawiishta dowlad goboleedka galmudug oo ka gadoodsan mushaar la,aan ayaa waxa la sheegay in gawaaridaan ay is hor istaag ku sameeyeen islamarkaasna ay weydiisteen lacago taasi oo gaadiid leeyda culys ku noqotay

wararka aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in ku dhawaad 60 gawaari noo uuca xamuulka qaada in ay ku xaniban yihiin inta udhaxeysa gaalkacyo iyo aaga galinsoor

qaar ka mid ah darawada ka xeenayay gawarida  ayaa waxa ay sheegeen in lacago dheeriya lagu soo rogay islamrkaasna aysan bixin karin

waxaana tani ay imaaneysa xili ciidamo ka tirsan  daraawishta dowlad goboleedka galmudug ay khamiistii todobaadkaan ay xeryaha iskaga bexeen iyagoo sheegay in wax mushaar ah aysan ka helin maamulka galmudug islamarkaasna ay xaqooda raasanayaan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here