Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la yeeshay haweenka ku jira labada aqal ee baarlamaanka dalka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay haweenka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay hoggaamineyso Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii loo Xaqiijin lahaa qoondada 30% ee Haweenku ay ku leeyihiin Golayaasha Qaranka.

Wasiirka Haweenka Marwo Xaniifo Maxamed Ibraahim ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo xaqiijin lahaa qoonddada haweenka ee siyaasadda, kulankan maanta waxaa uu qeyb ka yahay dadaaladaas wasiirka hormuudka u tahay.

waxa uu kulankaan muhiim ah kusoo aadayaa xili dalka la filayo in ay kadhacdo doorasho horaanta sanadkaan

doorashadaan haweebku waxa ay doonayaan in qoondadooda 30% ay buuxiyaan islamarkaasna garab lagu siiyo

waxaana haweenku dhankooda ay sheegeen in diyaar ay u yihiin doorashadaan tartan walbana ay galayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here