kulamo Lagu Xalinayo Khilaafaadka Doorashada Oo Ka Dhacay Muqdisho

0

iyadoo muddoyiinkii dambe uu khilaaf xoogan uu ka taagnaa doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo horaan sanadkaan ayaa waxa kulamo lagu xalinayo khilaafaad kaasi magaalada muqdisho ku yeeshay qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo maadxweynaha jamhuuriyada faderaalka somaliya.

xarunta madaxtooyada villa somaliya waxa lagu soo waramayaa in saacadiihii laso soo dhaafay ay kulamo ku qaateen madaxweyne iyo madaxweynayaasha dowlad gobleedyada galmudug koonfurgalbeed iyo hirshabeele .

waxaana kulamadaan u jeedkoodu uu ahaa in xal laga gaaro khilaafka hareeyay arimaha doorashiiyinka dalka taasi oo ay cabasho ka muujinayaan murashaxiinta u tartama xilka madaxweynaha somaliya
wararka aan ka helayno kulamadaasi ayaana waxa ay sheegayaan in laisku afgartay in wax ka badal lagu sameeyo guddiga doorashada ee dowladdu soo magacaowday islamrkaasna cabashada laga qabo ,iyadoona la sheegay in madaxda dowladdu ay arimkaasi ogolaatay.

waxaana dowladdu lasheegay in ay amartay musharaxiinta utartamaya xilka madaxweynaha jamhuriyada soomaaliya in ay keenan liska xubnaha ay cabashada ka qabaan muddo sadax cisho ah ay ku keenanan

sidookale waxa lasheegay in kulamada madaxtooyada ay ku yeesheen masuuliyiintaan in uu ku biiray taliyaha ay ha,ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka fahadyaasiin

geesta kale waxa lasheegay in raiisulwasaaraha xukuumada faderaalka soomaaliaya maxamed xuseen rooble uu kulamo uu dhankiisa la qaatay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada koonfur hirshabeele galmudug iyo gudoomiyaha gobolka banaadir islamarkaasna ay ka wada hadleen arimaha la xariira xaalada dalka .

madaxda haatan talada dalka heysa ayaa waxa waqtigoodu uu yahay mid gabgabo ah waxaana lafilaya in dalkaay ka qabtaan doorasho loo dhanyahay
waxaana xusidmudan in walaac xoogan laga muujinayay doorashada dalka ka dhaceysa oo aan hadii aan xalaga gaarin ay noqon doonto mid lagu muransanan doono

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here