madaxweynaha dowlad goboleedka jubbaland ayaa ka tacsiyadeeyay xildhibaan ka tirsanaa maamulka jubbaland oo qarax lagu dilay
war qoraal ah oo ka soobaxay madaxtooyada jubbaland ayaa waxa uu u qornaa sida tan
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo Ku dhintay qarax ay gaarigiisa ku xireen dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka iyo guud ahaan Shacabka Jubaland uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka waxaana uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo qarabadii uu ka tagay.
al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa lagu dilay xildhibaanka kaasi oo ka dhacay gudaha magaalada kismaayo oo xarun ku meel gaara u ah maamulka jubbaland

