Puntland oo Shirkadd Laga Leeyahay Imaaraadka ku Wareejisay Garoonka Boosaaso

0

Maamulka Puntland ayaa shirkadd laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ku wareejiyay Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.

Heshiiska lagu wareejinayay garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa ka dhacay Magaaladda Abu Dubia ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta Carabta,waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Imaaraadka Carabta.

Puntland waxaa heshiiska u saxiixay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebilay, waxaana wehlinayay Agaasimaha Madaxtooyada  Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Puntland Cismaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo mas’uuliyiin ka socotay Shirkadda TISL.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Shirkadda TISL ay hormarin iyo ballaarin ku samayso dhismaha Terminaalka iyo Jidka Diyaaraduhu ku ordaan ee Garoonka Boosaaso, ayaa bilaaban doona bisha Jannaayo ee sannadka 2021.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebilay, ayaa sheegay in Barnaamijkan uu dhammaystir u yahay heshiis ay horay Boosaaso ugu kala saxiixdeen Puntland iyo Shirkadda TISL, kaas oo ku saabsanaa wareejinta Garoonka.

Puntland ayaa heshiisyo kala duwan kula jirto shirkado laga leeyahay dalka imaaraadka Carabta,waxayna shirkadaas Maamulaan Garoomadda iyo Dekadaha MaamulkaPuntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here