Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Qaraxaan oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacay Degmadda Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Sida la xaqiijiyay waxaa qaraxa lala eegtay gaari uu watay Muxyadiin Xasan Afrax oo ahaa Xildhibaan hore sidoo kalena ah Nabadoon Caan ka ah Xamar.
Waxaa la sheegay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii gaariga saarnaa, iyo dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.

