wararka aan ka helayno xaafado ka tirsan degmada deyniile ayaa waxa ay sheegay in gordhaw suuqa ariga degmada deyniile gudihiisa lagu dilay nabadoon caan ah oo la yaqaanay degmadaaasi.
Rag basroolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay nabadoonka oo howla shaqo ka waday suuqa in ay dileen islamarkaasna ay goobta iskaga baxsadeen .
nabadoonka la dilay ayaa waxa la sheegay in lagu magacaabi jiray macalin cabdi siyaad geedi
waxaana la sheegay in nabadoona uu ka mid ahaa odayaashii soo xulay barlaanka dowladda ee haatan waqtigiisu dhamaaday
wali majirto cid sheegatay masuulida nabadoon cabdi siyaad oo saakay kooxa hubeysan ay ku dileen suuqa ariga degmada deyniile

