Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Mudaane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo),ugu baaqay in uu iscasilo,kadib markii uu ku fashilmay taladdda Dalka.
Isagoo boqolaal askari kula hadlayay degmada Beledxaawo ee Gobolka gedo ayaa Madaxweynaha Dalka iyo Taliyihii Nabadda Sugida Fahad Yaasiin ugu baaqay in ay iscasilaan.
Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa Ugu baaqay Madadaxweyne farmaajo iyo Fahad yaasiin in ay faragalinta ka daayaan gobolka Gedo.
Waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya degmooyinka gobolka Gedo ay diyaarado ku geyntay ciidamo ay sheegtay in ay yihiin kuwo la dagaallamaya Kenya laakiin u jeedada laga leeyahay ay tahay in lagu caburiyo shacabka Gedo.
Sidoo Kale Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dusha u ridin doono wixii ka dhacaya Gobolka Gedo oo dhawaan la wareegtay Dowladda Federaaalka Soomaaliya.
Mudooyinkii dambe waxaa jirey khilaaf u dhaxeeyay Jubbaland ee Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, taasi oo keentay in Madaxweynaha maamulkaas uu sheego in uusan doorasho qaban doonin inta Gobolka Gedo maqan yahay.

