Khatarta Gaajo Kusoo Wajahayaan Wadamo Ay Ku Jirto Somalia Oo La Digtay

0

In ka badan 50  malyuun oo qof oo ku nool bariga iyo bartamaha afrika ayaa u baahan gargaar deg deg ah oo  cunto ah sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay heyada Oxfam.

Warbixinta waxay tilmaantay in arintan ay sabab u tahay isbadalka cimilada gobalka ka jirta waxaana dhici karta in tirada dadka gargaarka u baahan ay intaa ka badnaan doonto.

Laga bilaabo bartamaha bishaan December ayaa waxaa la saadaalinayaa in heerka roobka uu hoos u dhaco sida warbixinta lagu sheegay wadamada South Sudan, Somalia, Ethiopia, Kenya, Tanzania, Rwanda iyo  Uganda.

Arintan ayaa keeni karta in malaayiin qof ay gaajo wajahaan sanadka na soo kulaalaya ee 2021 sida Oxfam ay tilmaantay.

Digniintan ayaa imaaneysa iyada oo maalinta oo  sabtiga ah uu dhacayo kulan madaxda caalamku kaga arinsanayaan saameynta isbadalka cimilada iyo waxa laga yeelayo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here