Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Ku La Wareegay Degaanka Gendershe Ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Ciidamada Xooga Dalka ayaa waxa ay guulo ka sheegteen Howgalo amni Xaqiijin  ah oo Ay ka fulieen deegaanka gendershe ee gobolka shabeelaha hoose.

Ciidanka kumandooska Gorgor ee xoogga dalka ayaa saaka waxa ay sheegteen in ay  Alshabaab kala wareegay degaanka Gendershe, ee gobolka Shabeelaha hoose, ka dib howlgal ballaaran oo ay ka fuliyeen goobo ay la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsana dagaalamyaasha al-shabaab.

Taliyaha ciidanka lugta Janaraal Maxamed Tahliil Geedi, ayaa hor kacaya howlgalka saaka ciidanka ku qaadeen degaanka Gendershe oo ay shacabka dowladdu sheegtay in ay  ku dhibaateyn jireen Alshabaab.

Wararka waxay intaas ku darayaan in ciidanka si nabad geliyo ah kula wareegeen degaanka, islamarkaasna dagaalamayaashi  Alshabaab ay iska baxeen deegaanka  ka hor inta aan ciidanka dowladda aysan gaarin sida wararku sheegayaan

Degaanka Gendershe, waxaa uu ka tirsan yahay degmada Marka ee xarunta gobolka, waa degaan dadka ku dhaqan u badan yihiin kalluumeysato,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here