
Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo dagaalamayal ka tirsan al-shabaab ayaa sakay ku qaadeen degaanka milxo oo u dhexeya demada laasqoray iyo degaan xeebeetka durduri oo ka tirsan gobolka sanaag.
Xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in saakay ay weerar culus ay ku qaadeen deeganka milxo islamarkaasna Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka
Qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay weerarkaan
Waxaana wararku ay sheegayaan in iska hor imaad muddo socday uu dhexmaray qaar ka mid ah dadka deegaanka oo hubeysanaa iyo dagaalamayaasha al-shabaab .
Majirto wax xog ah oo intaas dhaafsan oo laga helayo deegaanka maanta ay la wareegeen al-shabaab sababtu ay tahay in ay goantahay isgaarsiinta deegaanka
Warar hoose oo aan helayno ayaa waxa ay kasoo waramayaan in dagaalamayaasha al-shabaab ay deegaanka ka af-duubteen Guddoomiyihii deegaanka Milxo Maxamed Jaamac Aar iyo dadka kale walow wali aan si dhabka ah warkaasi loo xaqiijin
Sikastaba weerarkaan lagu qaaday deegaanka milxo ayaa waxa uu kusoo aadaya xili shalay al-shabaab ay Hub la sheegay in ay kala soo dageen deegaanka durduri oo ka tirsan degaanada maamulka putland islamarkaasna aan ka fogeyn deegaanka maanta la weerara
