maxkamada gobolka banaadir ayaa lagu wada in maanta oo arbaca ah ay u fariisato dhageysiga dacwada dad loo heysto in ay ka dambeeyeen fal kufsi iyo dilka ah oo ka dhacay magaalada caasimada ah ee muqdisho.
dadka maanta lagu waddo in la horgeeyo madaxda gobolka banaadir ayaa waxa la sheegay in ay iskugu jiraan rag iyo dumar ,waxaana loo heystaa kufsi iyo loogeeystay xamdi maxamed .
marxuuumad xamdi ayaa waxa ay aheyd gabar yar oo dugsi sare dhameysatay islamarkaasna hotel kuyaala xaafada match ee degmada waabari lagu kufsaday dabaqana laga soo tuuray faarax waxaana falkaan uu dhacay 12-9-2020
ciidamada amaanka dowladda faderaalka soomaaliaya ayaa horay ugu guuleystay soo qabashada 11 xubnoo oo lala xariirinayo in ay ku luglahaayeen falka dilka iyo kufsiga iskugu jiray ee loo geeystay xamdi maxamed faarax
waxaana xusid mudan in maxkamada maamulka gobolka baandir ay hoay udhageysatay dawada dadkan loo heysto falkii foosha xumaa ee lagu la kacay xamdi islamarkaasna maanta la filayo in maxkamadu ay soo gabagabeeyso kiiska xamdi maxamed faarax
sidookale ciidamada booliska ayaa magaalada cadaado ku qabtay nin isagu sheegay in uu xamdi hotelka ku balamiyay balse uusan waxba ka ogeyn dilkeed
qaar ka mid ah elhelada marxuumad xamdi maxamed faarax ayaa maxkada maamulka gobolka banaadir ka codsaday in cadaalada la marsiiyo dadkii ka dambeeyay dilka gabadhooda
ma ahan markii ugu horeysay oo madaxda gobolka banaadir la horkeeno falal laxariira kufsi iyo dilka
waxaana maxkamada gobolka banaadir horay ay xukun kala duwan ugu riday dad lagu soo eedeeyay kufsi iyo dil ay geeysteen.

