Maamulka Galmudug Oo Xubniihii Matali lahaa Kala Haray Guddiga Doorashada Ee La Xareeyay

0

iyadoo shalay hoteel ku yaala maalada muqdisho lagu xareeyay xubnaha guddiga dooraashiyinka dalka oo ay soo magacaabeen qaar ka mid maamul goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe ayaa waxa la sheegay in guddiga xubnaha la xareeyay aysan ku jirin xubnihii matalayay maamulka galmudug.

Madaxweynaha maamulka galmudug axmed cabdi kaariye qoor qoor ayaa waxa la sheegay in uu madaxda dowladda faderaalka ka codsatay in dib loogu dhigo xareeyta xumbnaha guddiga doorashooyinka kuwaasi oo uu muran xoogan ka taagan yahay islamarkaasna ay ka horyimadeen musharaxiinta utartamaya xilka madaxweynaha somaliya

warar hoose oo helayno ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynaha galmudug axmed cabdi kaariye qoor qoor uu damacsanyahay qorshe uu doonayo in uu iskugu soo dhawweyo xubnaha mucaadka dowladda iyo madaxda dowalada faderaalka ee haatan talada dalka haya.

guddiga doorashada ee ay dowladdu xareeysan ayaa waxa la sheegay in ay ka koobanyihiin xubno ay soo magacaabeen maamul gobooleedyada hirshabeele ,koonfur galbeed iyo xubno kale oo ka socda dhanka dowladda ama ay soo magacowday

sidooakale waxaa xusid mudan in wali aysan xubnohooda soo magacaabin maamulada puntland iyo jubbland kuwaasi oo qaar kood shuruudo ku xiray soo magacaabiada xubnaha ku matalaya guddiga doorashada ee dowladdu magacooday.

waxaana la filayaa in xubna guddiga doorashada ee la xareeyay in manata oo arbaco ah loo furo tababaro la xariira arimaha doorashooyinka dalka la doonayo in ay ka qabtaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here