Weerar Qasaaro Geeystay Oo Ka Dhacay Tuulo Hoostagta Degmada Afgooye

0

wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in weerar xoogan uu ka dhacay tuulo la sheegay in ay duleedka ka tahay degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose

waxaana lagu soo waramayaan in weerarkaan uu ahaa mid xoogn islamarkaasna lagu qaaday ciidamo ka tirsan dowladda faderaalka soomaaliya oo ku sugnaa tuuladda sabiid ee hoostimada degmada afgooye

Wararka ayaana waxa ay tilmaamayaan in weerarkaan uu ka dhashay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac balse wali aan si rasmi ah loo tirkoobin

dagaalamayaasha al-shabaab oo warkasoo saaray weerrarkaani ayaa waxa ay sheegeen in xubno ka tirsan ay weerar culus oo jihooyin badan ay ku qaadeen ciidamada dowladda ee ku sugnaa deegaanka sabiid islamarkaasna ay qasaaro xoogan ciidanka dowladda ku gaariiseen weerarkaasi.

Al-shabaab ma aysan faahfaahin qasaaraha ka dhashay weerarka iyo qasaaraha ay gaarsiiyeen ciidanka dowladda inta uu la egyahay

deegaanada dhaca gobolka shabeelaha hoose deegaanada dhaca waxa inta badan ka dhaca dagaalo u dhexeeya ciidamada dowalada iyo dagaalamayaasha al-shabaab

waxaana labada dhinac ay guulo ka sheegtaan dagaaladaasi iyo howlgalada ka dhaca gobolka shabeelaha hoose
Sidookale waxa mar marka qaar dhacda in weerarada ciidanka dowladda iyo al-shabaab u dhexeya uu qasaaro kasoo gaaro

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here