iyadoo dhawan dagaalkii udhexeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad ka careysan doorashadii ka dhacay deegaanada maamulka hirshabeele uu ka dhacay magalada baldweyne ayaa waxa dagaalkaaasi iyo shaqaaqooyinkii ka dhacay baladweyne lagu eeedeeyay in ay ka dambeyaan masuuliyiinta dowlada faderaalka ah islamarkaasna ay hurinayaan colaada ka taagan baladweyne
banan baxayo waaweyn oo rabshada wata islamarkaasna looga soo horjeedo maamulka cusub ee hirshabeele ayaa ka dhacayay magaalada baladweyne ,waxaana shaqaaqooyinkaasi lagu eedeeyay dowldda in iyadu ay ka dambeysay
musharaxiinta utartamaya xilka madaxweynaha somaliya oo war kasoo saaray dhibaatooyinka ka jira baladweyne ayaa waxa ay madaxda dowladda faderaalka ah ku eedeeyeen in ay wado xiisada ka jirta baladweyne
jabhabda kasoo horjeeda maamulka cusub ee hirshabeele ayaa waxa ay iyagu sheegeen in ay diyaar uyihiin wada hadal islamarkaasna ay u baahanyihiin in meel kabaxsan baladweyne lagu hadlo
masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku sugan magaalada baladweyne oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha guadaha xukuumada faderaalka somaliya kaasi oo markii uu xaalada hiiran uu u kuur galay sheegay in dadka reer baladweyne aysan kasoo horjeedin dowladda balse ay cabasho ka yihiin awood qeybsiga doorashadii ka dhacay magalaada jowhar
horay waxa la sheegay in maamulka cusub ee hirshabeele uu ku guuldareystay in u wda hadal la furo jabhada uu hogaaminayo genaraal abuukar xuud balse waxaana ay sheegeen in ay la fadhiisanayaan cid kasta oo tabasha qabta.
wararka ayaa waxa ay tilmaammayaan in in wada hadaladu ay haatan socdaan islamaksna aan wali wax heshiis ah la gaarin balse laisku afgartay in laga fogaado waxkata oo keeni kara in dagaal dhaco.

