Al-Shabaab Oo Weeraar Qasaaro Geeystay Ku Qaaday Ciidamo Ku Sugnaa Degmada Awdheegle

0

wararka ka imaanaya degmada awdheegle ee gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamo ka tirsan dowladda lagu weeraray gudaha degmada awdheegle ,waxaana lasoo sheegayaa in weerarkaan uu ka dhacay qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac

weerarkaan ayaa waxa la sheegay in uu yimid ka dib markii dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ciidamada dowlada ay kula haayeen degmada awdheegle

dadka deegaanka ayaa idaacada simba u sheegay in ay maqlayeen daryanka rasaas xoogan oo ay is weedaarsanayaan ciidanka dowladda iyo al-shabaab basle aysan sheegi karin qasaaraha ka dhashay weerarkaasi

dagaalamayaasha al-shabaab oo war kasoo saaray weerarka maanta ka dhacay degmada awdheegle ayaa waxa ay sheegeen in weearar culus ku qaadeen ciidamada dowladda islmarkaasna ay qasaare ku gaarsiiyeen weerrarkaan

al-shabaab wararka ay barhooda interneetka ku faafiyaan waxa ay ku sheegeen in ay ku dhawaad  5  askari uga  dileen ciidanka  dowladda weerarkii ka dhacay degmada awdheegle ee gobolka shabeelaha hoose.

weeraro u dhexaya ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha al-shabaab ayaa inta badan ka dhaca deegaanada dhaca gobolka shabeelaha hoose

waxaan weeradaasi guulo kala sheegta ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha al-shabaab

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here