Waxa marba marka kasii dambeysa cirka iskusii shareeraysa Khilaafka udhexeya Gudoomiyaha barlamaanka maamulka putland iyo qaar ka mid ah xildhibaanada maamulka putland oo sheegay in ay mooshin ka gudbinayaan.
Saacadiihii lasoo dhaafay waxa magaalada garowe ka soconayay kulamo kala duwan oo iska soo horjeed kuwaasi oo ku saabsan khilaafka iyo mooshin la sheegay in la doonayo in lagu ridayo gudoomiyaha barlamaanka mamaulka putland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Waxaana la sheegay in gudoomiyaha barlamaanka putland ciidamo uu dalbaday islamarkaasna ciidamo tabacsan oo isaga daacad u ah ay kasoo dageen garoonka diyaradaha magaalada badhan ee gobolka sanaag.
Wararka ayaana waxa ay kusoo waramayaan in ciidamada la filayo in gordhaw ay usoo duulan magaalada garowe caasimada maamulka putland halkaasi oo la sheegay in ay kasocdaan laba mooshin oo kala duwan oo mid ka mid ah lagu riday gudoomiyaha barlamaanka maamulka putland.
Waxa shalay si rasmi ah amniga xarunta barlamaanka putland loogu wareejiyay ciidamo boolis ah kadib markii ay cabasho xoogan la sheegay in ay ka timid qaar ka mid ah xildhibaanada kuwaasi oo gudoomiyaha barlamaanka putland ku eedeeyay in uu caburin iyo afduub ku hayo xildhibaanada barlamaanka
Lama oga sida ay waxa noqonayaan balse xaalad kacsanan ah ayaa laga dareemayaa deegaanada maamulka putland oo ku aadan mooshinka laga wado gudoomiyaha barlamaanka putland
Waxaana la sheegay in horay loogu guuldareysatay kulamo la sheegay in madaxweynaha maamulka putland uu iskugu soo dhaweynayay gudoomiyaha iyo xildhibaanada mooshinka ka wada taasi oo muujinaysa in khilaafka uu sii xooganayo

