Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka ayaa waxa la sheegay in Dagaalamayaal Ka tirsan,Al-Ashabaab ay Ku dileen howlgalo ka dhacay gobolka Shabeelada hoose
howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in ay ahaayeeyn kuwa qorshaysan oo ay ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Gor-gor ka fuliyeen deegaanka Ceel Maracadde ee gobolka shabeelada hoose islamarkaasna ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab,waxay sidoo kale halkaasi ciidanka dowladdu ku sheegteen in ay ku bur-buriyeen goob ay lahaayeen al-shabaab islamarkaasna ay shacabka soomaaliyeed uga qaadijireen lacago .
Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa waxa ay shegteen in intii ay howlgalka qorshaysan ku gudajireen ay gabi ahaanba bur-buriyeen goobaha Al-shabaab ee deegaanka gaar ahaana maxkamadii al shabaab iyo goobo kale
Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Gor-gor ayaa waxa la sheegay in howlgalkaan ay ku dileen 17-xubnood oo ka tirsanaa dagaalamyaasha al-shabaab halka ay 6 kalana dhaawaceen sida lagu sheegay warkasoo baxay warbaahinta dowladda
Deegaanka Mara-cadde waa deegaan u dhexeeya dhulka Carro madowga ah iyo dhanka xeebta ee dagmooyinka Afgooye iyo Marka ee gobolka shabeelada hoose .

