Iyadoo dhawaan Xubno Ka tirsan dagaalamayasha al-shabaab la sheegay in gaawaari xamuul ah ay ku gubeen deegaanka emed kooreey ee gobolka bakool ayaa waxa weerarkaasi lagu eedeeyay in ay maamulka koonfur galbeed u fududeeyeen al shabaab
Tobaadkan gudihiisa 7 gaari oo nuuca xamuulka qaada ah ayaa la gubay kuwaas oo urarnaa ganacsatada degmada xudur ee gobolka bakool
mid ka mid ah maleeshiayada macawisleeyda ee gobolka hiiraan oo lahadlay simba ayaa waxa uu sheegay in falka lagu gubay gaadiidka ay lahaayeen dad shacabka ah in uu ku dhacay habacsanan ka jirta dhanka maamulka koonfur galbeed somaliya
waxaana uu sheegay in halka ay alshabaab wax ku gubeen ay tahay deegaanada maamulka koonfur galbeed uu ka arimiyo isagoo sheegay in loobaahnaa in maamulka uu xil weyn iska saaro sugida amniga deegaanadiisa islamarkaasna waxa uu beeniayay war kasoo baxay maamulka degmada xudur oo ahaa in gaadiidkan la gubay uu ka yimid ka dhanka xamar
Sidookale ninkaan ka tirsan maleeshiyada macawisleeyda ayaa waxa uu tilmaamay in halka uu weerarku ka dhacay kaliya ay tahay meel udhaxeysa hiiraan iyo bakool islamarkaasna waxa uu ku eedeeyay maamulka koonfur galbeed in ay fududeeyeen in alshabaab ay dhankooda kasoo galaan gawaari dad shacaba la haayeena la gubay
si kastaba dhawaan ayay aheyd markii taliska booliiska somaliya ay dagaalamayaasha alshabaab ku eedeeyeen in ay deegaanka emed kooreey ee gobolka bakool ay ku gubeen 7 gaari oo xamuul ah kuwaasi oo urarnaa dadka shacab ah
waxaana la sheegay in gaadiidkan ay kasoo bexeen magaalada baladweyne islamarkaasna ay kusii jeedeen degmada xudur ee gobolka bakool

