Weerar Madaafiic ah Oo Lagu Qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb

0

Wararka ka imaanaya deegaanada maamulka galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in weerar madaafiic ah xalay lagu qaaday garoonka diyaaradaha magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug

Waxaana wararku ay kusoo waramayaan in tiro hoobiyaal ah lagu weeraray ciidamada aminsom ee ku sugan garoonka diyaaradaha ugaas nuur ee magaalada dhuusamareeb

Ila deegaanka ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa jug culus iyo raasas teel teel ah islamrkaasna ay ka maqlayeen dhanka garoonka diyaaradaha magaalada dhuusamareeb

Rag hubeysan oo la aaminaanyahay in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha alshabaab ayaa waxa la sheegay in ilaa iyo ku dhawaad 10 hoobiya ah inay ku weerareen garoobka iyadoona wararku ay sheegayaan in ciidamada amisom gaar ahaana kuwa jabuuti oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada dhuusamareeb iyaguna madaafiic ku jawaabeen

Wali maamulka galmudug iyo taliska ciidanka amisom ka  mahadlin weerrarka madaafiicda ah ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha magaalada dhuusamareeb

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaan

Al-shabaab wararka ay barahooda interneetka  ku faafiyaan  waxa ay ku sheegeen in weerar culus ay ku qaadeen magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug

Isku soo wada duuboo ma ahan markii ugu horeysay oo weerar madaafiic ah lagu qaado garoonka diyaaradaha ugaas nuur ee magaalada dhuusamareeb

Waxaana dhowr jeer sidaan oo kale xiliyada habeenkii ah weerar madaafiic ah loogu garaacay garoonka diyaaradaha magaalada dhuusamareeb

Taasi oo keentay in muddo kooban ay hakad gasho shaqada garoonka

Walow maamulka galmudug uu sheegay xiligaas  in sababo amnidaro aysan ujoogsan shaqada garoonka diyaaradaha magaalada dhuuaamareeb

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here